Dagaalo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Dagaaladaan oo sababay khasaaro kala duwan ayaa saacadihii la soodhaafay waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Bariire,Baraawe iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMIOSM.

Dagaaladaan ayaa waxaa ay yimaadeen,kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyadaas,waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo xoogan oo muddo saacado ah socday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weeraro kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaaladaas ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalada midka ugu xoogan uu ka dhacay Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannadii lagu dagaalamay ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan  in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.