Waxaa Goor dhaw magaalada Hogue ee dalka Holland ka bilaabatay Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Kenya.
Muuqaallo laga soo qaaday Maxkamada ICJ ayaa muujinaya Qaar ka mid ah Qareenada Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya u kala doodaya oo jeedinaya khudbado kala duwan iyo sidoo kale Ma’suuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo goobta ka hadlaaya.
Maxkamada ayaa socon doonta 2 Maalmood oo labada dal ay soo jeedinaya dacwadaha badda ee ay isku haystaan.
Madaxweynah Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Soomaaliya ay qaadato dowladda Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.


