Dab xooggan ayaa Goor dhow ka kacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in dabka uu ka kacay meel Suuq ah, islamarkana markiisii hore uu ka bilowday Kaalin Shidaal.
Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay dabkaasi laakiin ciidamada dowladda oo halkaasi gaaray ayaa kala ceyriyay dad badan oo goobta kusoo xoomay.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa wadda dadaallo lagu daminaayo dabkaasi.


