Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Dabka gaar ahaan Dhanka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay Dab.
Dabkan oo ka kacay xarun Ganacsi oo ku taalla Agagaarka Isgoyska Dabka ayaanan ilaa iyo hada aanay la ogeyn sababta ka dambeysay in uu kaco, waxaana socda dadaalo lagu daminaayo.
Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu dabka ka kacay, si ay wax uga qabtaan xaalada, oo uusan dabka ugu faafin qeybaha kale.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay xireen Agagaarka goobta uu dabka ka kacay, si aanay u dhicin in wax lagala baxo goobta uu dabka ka kacay.
Goor dhow faah faahinta kala soco Risaala.net


