Marko-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay madaafiic ku garaaceen Duleedka magaalada Marko.
Madaafiicda ciidanka AMISOM ay ku garaaceen Duleedka magaalada Marko ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay ka war heleen in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka magaalada Marko.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiicda ay ciidanka AMISOM ku garaaceen xaafado ka tirsan duleedka Marko ay geysteen khasaare inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.
Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Duqeynta ay aheyd mid xoogan oo laga maqlayay magaalada Marko, waxaana sidoo kale ay sheegeen in cabsi badan ay ku abuurtay.


