DEG DEG: Ciidamo la wareegay Kontorool Koonfureed

Garowe-RisaalaFM- Wararka in inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe in ay la wareegeen Ciidamo gadoodsan.

Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland ayaa soo sheegaya Ciidamadan in ay wataan Gaadiidka Dagaalka, iyagoo guud ahaan la wareegay Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe, waxaana ay xadideen isu socodka Gaadiidka.

Ciidamadan ayaa la sheegay sababta ay ula wareegeen halkaasi in ay tahay mushaarkooda oo mudo bilo ah aysan qaadan, taasina ay sababtay in ay gadoodaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya Ciidamadan in ay yihiin kuwii horey ula wareegay xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland oo aan weli arrintooda la xalin.