Askari caawa toogasho ka geystay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ayaa caawa meel ku dhaw xarunta degmada Xamar Jajab wuxuu ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen wiil kale oo xilligaasi ka yimid aroos, iyaga oo is heysta ayaa askari ka tirsan saldhigga booliska Xamar Jajab oo wadada marayay uu ku riday dhalinyaradan xabad uu doonayay inuu ku kala celiyo balse waxay xabadaasi ku dhacday mid ka mid ah dhalinyaradaasi.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xabada wiilka dhalinyarada ah inay kaga dhacday madaxa, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Askariga dilka geystay ayaa kahor inta aysan ciidamada ammaanka halkaasi gaarin ku baxsaday mooto Bajaaj, sida ay inoo sheegeen dadka goobjooga u ahaa dhacdadan.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasada degmada Xamar Jajab Cusmaan Maxamed Fiidow oo la hadlay Risaala ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno askariga dilay wiilkooda oo ka mid ahaa dhalinyarada degan degmada Xamar Jajab.