DEG DEG: Askar lagu dilay Boosaaso

 Boosaaso-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta halkaasi lagu dilay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland.

Dilka Labadan Askari ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan Bastoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobta, dilka kadib, sida uu soo sheegaya wariye ku sugan halkaasi.

Ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Puntland oo dilka kadib goobta gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaano, si gacanta loogu soo dhigo burcadii dilkan geysatay.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadi doonaan talaabo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ragga amni darada ka wada Degaanada Puntland.

Hoggaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kadib markii dhowaan halkaasi uu gaaray.