DEG DEG: Al-Shabaab oo Gudaha u galay degaan ka tirsan kenya

Wararka naga soo gaaraya degaanka Carabiya hoos yimaada Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin degaankaasi.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka, islamarkaana ay Kenya Hadda halkaasi ay usoo dirtay ciidamo dheeraad ah.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Carabiya wali lama Xaqiijin.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaanka carabiya ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Isgaarsiinta degaanka Carabiya ayaa Hawada ka maqan.

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Magaalada Gudaha u galeen 4:00 habeenimo.