Deeq gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mogadishu ayuu ku qaban jiray shaqadda farshaxanka. Waxaa uu ahaa agaasimaha aflaan gaagaaban iyo riwaayadaha, sidoo kale wuxuu ahaa abwaan iyo qoraa dhinaca heesaha. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa looga hanjabay teleefoonka, waxaana loo sheegay haddii uu joojin waayo shaqada uu hayo in la dili doono. Hanjabaada uma uusan qaadanin in ay khatar tahay balse muddo bil ah kaddib, waa la toogtay isaga oo maqaayad la fadhiya ina-adeerkiisa.
Rasaasta waxaa ay haleeshay inadeerkiis, wuuna dhintay. “Anniga ayaa ahaa bartilmaameedka maxaa yeelay waxaan ahaa qoraa heesaha. Taasi waa sababta kaliya ee ay ii bartilmaameedsadeen.
Markaas, waxaan go’aansaday inaan sida ugu dhakhsaha badan uga cararo dalka. Waxaan la tashaday asxaabteyda iyaguna waxaa ay rabeen sideyda oo kale in ay cararaan, sidoo kale waxaa la tashaday qoyskeyga oo ku nool dalka dibadiisa. Kadib lacag ayaan keydsaday si aan safarkayga u bilaabo.”
Mukhalasiin ayaa isaga iyo muhaajiriin kale u safriyay xerada Dadaab ee dalka Kenya, halkaasi ayey kasii wateen safarkoodii ay ku tageen magaalada Nairobi. Safarka ayaa ahaa mid daal badan, waxay ku qasbanaadeen inay masaafo dhowr KM ah ku dhex lugeeyaan baadiyaha oo ay ka dhuuntaan booliska.
“Waxaan u soconeynay si taxaddar leh, xitaa mararka qaarkood geedo hoostooda ayaan ku dhuuman jirnay, kabaheena waxaa ay noqdoon kuwo aan la isticmaali karin.
Shaatigeyga ayaan googooyey oo u isticmaalay kabo ahaan maxaa yeelay ma aanan helin karin kabo cusub. Dhulku dhagax buu ahaa oo aad u kulul. Waxaan sii soconnay saacado. ” Markii uu yimid Nairobi, Deeq wuxuu go’aansaday inuu aado Koonfur Afrika.
Wuxuu la xiriiray mukhalas kaas oo kadddib saaray Markab geeya dalka Mozambique kaddibna usii gudbin doono Koonfur Afrika. Markabkii ayuu ka raacay magaalada Mombasa. Waxay ku jireen badda in kabaddan toddobaadyo, kabtankii ayaa ku qasbay rakaabkii inay ku soo degaan jasiirad cidla ah, kaddibna halkaasi ayuu uga tagay markabka.
“Mukhalasiinta ayaa rakaabkii ku tuurayeen badda, iyagoo ulo ku garaacayay kuna qasbay inay ka degaan markabka. Markii rakaabka dhammaantood laga tuuray markabka kabtanka waxaa uu dhaqaajiyay markabka.
Anniga waxaan ku booday biyaha waxaan badbaadiyay dadka qaar oo dabaalan kari waayey.” Deeq waligiis kuma guuleysan inuu gaaro Koonfur Afrika. Taa baddalkeeda, wuxuu go’aansaday inuu isku dayo inuu aado Masar. Wuxuu ku noqday Kenya kadibna wuxuu sii maray Uganda, South Sudan, iyo Sudan. Markii uu tegay Suudaan wuxuu xaqiiqsaday in mukhalaskiisa uu iibiyay isaga, kana iibiyay mukhalasiin kale oo u dhashay dalka Libiya, kuwaas oo qorsheynayay in ay u qaadaan dalka Liibiya. Wuxuu ogaa dhibaatada naxariis darrada ah ee halkaasi ka jirta, nasiib wanaag waxaa uu ku guuleystey inuu baxsado. “Waan ogaa dhibaatada halkaasi ka jirtay maxaa yeelay saaxiibaday ayaa iiga digay. Kadibna waxay noo wareejiyeen meel kale.
Intii aan safarkaas ku jirnay aniga iyo gabadh waxaan go’aansannay inaan baxsano. Waxaa ay aheyd ismiidaamin. Waxba kamaanan ogeyn halka ay Khartuum ku taallay.
Si kastaba ha noqotee, saaxiib garanayay jidka loo maro Khartuum ayaa nagu hagay.” Deeq wuxuu nasiib u yeeshay inuu qaraabadiisa ka helo magaalada Khartuum oo ka caawiyay inuu tareen u raaco Qaahira.
Ugu dambayntiina si nabad-gelyo leh ayuu ku gaaray Masar, kaddib safar aan caadi ahayn. Wuxuu kula taliyaa dhalinyarada Soomaaliyeed inaysan waligood isku dayin inay sidaa oo kale sameeyaan, waa khatar aad u fog.
— Hassan Istiila Freelance journalist with News Agencies. Blogger, Media consultant, Researcher and Human Rights Activist. Whatsapp: +252615961072 Twitter: https://twitter.com/hassanistiila Skype: Hassan.Istiila Proton Mail: [email protected] Tutanota: [email protected]



