Qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha ee laga hirgeliyay duleedka Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la gaarsiiyay deeq raashiin oo ka kooban Bur, Bariis iyo Saliid.
Qoysaska deeqda la gaarsiiyay oo ku kala nool xeryaha Iidaale Weyn iyo Dalandoole 2, ayay tiradoodu gaareysay 280 qoys, iyadoona ay ka soo barakaceen deegaano ka kala tirsan Gobolada Jubbada Dhexe, Bakool iyo Baay.
Deeqdan oo ka kala timid Jaaliyadaha Somaliyeed ee Wadamada Finland, Austria iyo gurmadka abaaraha ee Jarmalka, ayaa soo gaarsiiyay qoysaskan barakacayaasha, iyagoo markaasi u soo marinaaya Hay’adda Maxaliga ee Qalam. Shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha soo gaarsiiyay Hay’adda Qalam waxaa laga xusi karaa Sheekh Naasir Cadceed.
Sheekh Ilyaas Cali Nuur, Madaxa Hay’adda Qalam,ayaa Jaaliyadaha Somaliyeed uga mahadceliyay deeqdaas, waxaana uu qeexay in ay qoysaskaasi soo gaarsiiyeen, xilliga ay ugu baahida badan yihiin.
Wuxuu sheegay in qoysaskan ay deegaanadoodu uga soo carareen xaalado adag oo ka dhashay abaaraha baahsan ee halakeeyay qaybo ka mid ah Gobolada Somaliya, sidaasi daraadeedna ay walaalahooda Somaliyeed ka dhawrayaan gurmad intaasi ka badan.
Sheekh Ilyaas Cali Nuur, ayaa tilmaamay haddii ay si saxi ahi isugu gurmadaan dadka Somaliyeed, ay markaasi badbaadin karayaan nolosha dadkooda dhibaataysan
Abaaraha ku dhuftay Somaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan deegaanada miyiga. Dadka ay abaaruhu saameeyeen oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.




