Daniele De Rossi Oo Caawa Italy Ka Bad Baadiyay Spain

Spain ayaa lumisay fursado badan oo dahab ahaa iyadoo ay bar bardhaco 1-1 ah uu kuso dhamaatay ciyaartii xooganeyd ee Spain iyo Italy ee is reeb reebka koobka aduunka.

Wuxuu ahaa kulan adag, inkastoo wiilasha Spain ay soo bandhigeen ciyaar sare hadana qeybtii hore wax gool ah lagama dhalin kulanka.

Daqiiqadii 55 aad ee qeybtii labaad Vitolo ayaa hogaanka u dhiibay Spain markii uu kubadd uu goolhaye Buffon kusoo baxay uu labadiisa lugood ka dhex saaray.

Daniele De Rossi ayaa bad baadiyay Italy xili ay ciyaarta ka harsaneyd 8 daqiiqo isagoo gool u badalay rigoore loo dhigay dalkiisa daqiiqadii 82 aad.

Tani waxaa ay ka dhigan tahay inaan Italy laga badin 52 kulan oo is reeb reeb ah tan iyo 2006.