Ciyaariyahankii hore ee xulka Turkiga Onder Turaci ayaa tooreey lala dhacay markii uu isku dayay inuu difaaco walaashiis oo ay isku dhaceen nin horey u qabi jiray.
Xafiiska adeega dadweynaha ayaa sheegay in maanta oo qamiis ah inuu nin mindi la dhacay labo qof oo ah xaaskiisii hore iyo walaalkeed.
Jariirada maalinlaha ah ee La Meuse waxaa ay sheegtay in qofka la dhaawacay uu yahay Onder Turaci kaas oo usoo ciyaaray kooxaha Standard Liege, Fenerbahce iyo Kayserispor.
Waxaa la sheegay in labo meel oo kala duwan tooreey looga dhuftay ciyaariyahankan 36 jirka ah kaas oo aan hada wax koox ah u ciyaarin.
Sida ay jariiradu sheegtay waxaa dagaalkaan uu bilaawday markii gabadhu ay guriga ku casuumtay saaxibkeedii hore kadibna uu ku qabsaday ilmo yar oo ay isku dhaleen.
Xaalada ciyaariyahankaan ayaaney wali dhaqaatiirtu wax war kasoo saarin.


