Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu istaagay dagaal saakay ka qarxay Magaaladaasi, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo ciidan uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo ah sargaal ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in magaalada saakay ilaa xalay ay dad badan ka barakaceen, sidoo kalana maanta ay dad badan ka qaxeen gudaha magaalada, islamarkaana u barakacay magaalada Mandera ee dalka Kenya.
Labada ciidan ayaa ku kala sugan goobahooda, waxaana suurtagal ah in markasto uu dagaal ka dhaco gudaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.



