Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay halkaasi.
Dagaalka ayaa la sheegaya in uu socday muddo saacado ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas kabadana waa ay ku dhaawacantahay sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Sanaag.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Sanaag ayaa wada dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Sanaag.
Labada beelood ee ku dagaalantay deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag ayaa horay waxaa u dhex dhaxaadiyay maamulka Somaliland.


