Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel-Macaan oo u dhaxeeyo Degmooyinka Jowhar iyo jalalqasi oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe, isla markaana saran wadada laamiga ah ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada la magac baxay dib u xureynta Gobolka Hiiraan & Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weerareen degaanka Ceel-Macaan oo shalay gelinkii dambe ay la wareegeen Ciidamada Macawiisleyda.

Dadka degaanka Ceel-Macaan ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu bilaawday saaka waaberigii hore, isla markaana weli degaanka laga maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weeydaar sanayaan labada dhinac.

Weli macadda khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, waxaana gebi ahaan istaagay saaka isku socodka dadka, gaadiidka iyo Ganacsiga ee degaanka Ceel-Macaan oo u dhaxeeyo Degmooyinka Jowhar.