Faah Faahinno ayaa ka soo naxaya dagaal xalay ka dhacay Barkoontarool Ciidamada Amniga Magaalada Baladweyne ay ku leeyihiin Xaafada Xaawo taako, gaar ahaan aga gaarka Buunda 2aad.
Dagaalkan ayaa bilowday markii la dilay Cumar Shiikh Cabdullaahi Cabdi Xaad oo Kamid ahaa Ciidamada Deegaanka Laguna dilay Koontaroolkaas.
Sidoo kale Ciidamo Hubeeysan oo kuwa Deegaanka ayaa dagaal Kadib la Wareegay Koontaroolka halkaasi ku yaalay,.
Xaalada Magaalada Baladaweyne ayaa dagan ‘waxana halkaas isaga baxay Ciidamada Deegaanka ee xalay Qabsaday koontaaroolkaas .
Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa aad u Xumaaday Maalmihii lasoo dhaafay waxaana Magaalada iyo Duleedkeeda ka dhacay Dilal badan oo ilaa iyo Hada aanan dadkii ka dambeeyay Sharciga la Marsiin.



