Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya dagaal duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka hir-Shabeelle iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maanta Baraqadii ay Al-Shabaab weerareen Saldhig Ciidamada Maamulka hir-Shabeelle ku leeyihiin deegaanka Dulfaaleey oo dhaca duleedka degmada Jalalaqsi,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.
Weli lama oga khasaaraha labada dhinaca kazoo gaaray dagaalkaas,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen inay maqlayeen dagaalka ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab oo weerarkasi ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka hir-Shabeelle eek u sugnaa Barta Koontorool,sidoo kalena mudo kooban ay la wareegeen deegaankaas.
Si kastaba dagaalka ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan weli ka ma hadlin Maamulka degmada Jalalaqsi iyo saraakiisah ciidamada Maamulka hir-Shabeelle,waxaana lagu soo waramayaa in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana goobta ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Hir-Shabelle.



