Waxaa markale Maanta dib uga qarxay Dagaal deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye, kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed oo wada dega deegaaano katirsan Gobolada Nugaal iyo Sool.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu salka ku haayaa is haysi dhuleed oo Beelaha u dhaxeeya, waxaana dagaalka Maanta inta la xaqiijiyay ku dhintay lix Ruux halka 14 kale ay ku dhaawacmeen.
Dhamaadkii Bishii la soo dhaafay ee December 2021 ayaa dagaalka uu degaankaas ka billowday, waxaana lagu joojiyay dadaal ay sameeyeen Ciidamada iyo Isimada Puntland.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidan beeleedyo tiro badan ay isku urursanayeen degaankaas mudooyinkii u danbeeyey , waxaana jiray dedaalo cago badan aan ku taagneyn oo ay sameeynayeen Isimo iyo masuuliyiin katirsan Puntland, balse ay fashilmeen.
laamaha Amniga Puntland iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaan weli ka hadlin dagaalkaas oo ah mid soo laab laabtay, waxaana badi dadkii ku noolaa degaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye ay ka barakaceen dagaalka.



