Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Yemen

Dagaallo ayaa ka soo cusboonaaday  maanta oo Arbaco ah, qeybo kamid ah Marib, ee waqooyiga dalkaasi Yeman, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo soo xiganaya milateri Yaman, dagaaladan ayaa  24-kii saac ee la soo dhaafay si xariir ah ugu socday waqooyiga Yeman, kuwaa oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta looga dilay 60 ka mid ah maleeshiyaadkooda.

Dagaaladan ayaa yimid  ka dib markii maleeshiyadka Xuutiyiinta labadii maalmood ee la soo dhaafay ay hareereyeen Magaalada Marib.

Xubnaha Kooxda Xuutiyiinta  ayaa bilihii la soo dhaafay  waday weerarro is daba joog ah  oo ay ku soo qaadayeen gobolkan saliid hodan ku ah.