Dadka jira 50 ilaa 70 oo lagula taliyay in ay shaqada u fiican tahay

Sarkaal sare ee caafimaadka ayaa ku baaqday in dadka da’dooda tahay 50 ilaa 70 ay sii wadaan shaqada si ay caafimaad u helaan.

Warbixin cusub oo soo baxday oo ku saabsan caafimaadka dadka dhashay inta u dhaxaysa 1946 ilaa 1964, ayay Prof Dame Sally Davies, ku sheegtay faa’iidada caafimaad ee jir iyo mid maskax ee laga helo shaqada.

Waxay sheegtay shaqada inay caawiso dadka inay dareemaan inay wax ku guulaysteen ooaysan cidlo ahayn.

33% dadka Britishka ah ee shaqeeya ayaa ka waynaan doona 50 sanadka markuu yahay 2020.

Prof Davies ayaa sheegtay : “Dadka ayaa noolaanaya waqti dheer, sidaas darteed shaqo gabida ayaa u keenaysa fursad dadka da’dan ah inay noqdaan dad qabta shaqo badan.

” Dadka badankood waxay u tahay fursad ay ku qabtaan shaqooyin adag, ma aha sidii ay awal ahaan jirtay oo aan wax badan la qaban jirin.

” Inaad shaqada wado, ama aad samayso iskaa wax u qabso, ama aad ku biirtid kooxo bulshada, ayaa suurto galinaysa dadka inay ka shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo jirkooda.

” Faa’iidada laga helayo waa inaan la yaraysan.”