Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay dagaalkaas oo saqdii Dhexe ee xalay ka dhacay Gobalka Galbeedka Kordafaan ee dalkaasi.
Maleeshiyo ka soo kala jeeda Carabta Xamar iyo Misseriya ayaa ku dagaalamay meel ku dhow Degmadda Al-Nahuud oo 560 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan
Caasimada dalkaasi ee Khartoum.
Iska-horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran dhanka dhulka, Biyaha iyo daaqsiinta xoolaha.



