Laba qof ayaa la dilay kadib markii maleeyshiyo beeleed ay ku weerareen miyiga degmada Galdogob, waxaana sidoo kale 3 ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay isla miyiga magaaladaasi.
Dilalkan ayaa salka ku haya aano qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaanno iyo degmooyn ka tirsan Gobolka Mudug, iyada oo ay dhaceen dagaalo ay dad badan ku dhinteen.
Guddoomiyaha degaanka dhabad ee gobalka galgaduud Adan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilalka aanooyinka qabiilka ah ee dadka lagu dilay, waxaana uu ugu baaqay dadka wax laga dilay inaysan jawaab ka bixin dilalkaas.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilligaan degaannada Gobolka Mudug aan looga baahneyn colaad joogto ah, hayeeshee ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida.



