Maleyshiyo ayaa 20 ruux ku dishay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyaga oo dhaawacay tiro kalena.
Waa mashaqadii ugu xumayd ee dhiig ku daato oo muddo bilo ah ka dhacda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Jimcihii ayaa waxa isku dhacay labo kooxood oo ka kala tirsan fallaagadii hore ee Muslimiintu u badnaayeen ee Seleka iyo kuwo ka tirsan dhaqdhaqaaqii ka soo horjeeday ee Anti-Balaka ee masiixiyiinta ah.
Nabad ilaaliyeyaasha qaramada midoobay ayaa sheegay inay kala dhex galeen labada kooxood ee ku dirirayay goobta dilku ka dhacay oo ah magaalada woqooyiga ku taala ee Kaga Bandoro si ay uga hor tagaan in qalalaasuhu sii baaho.
Malayshiyo ayaa 20 ruux ku dishay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyaga oo dhaawacay tiro kalena.
Waa mashaqadii ugu xumayd ee dhiig ku daato oo muddo bilo ah ka dhacda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Jimcihii ayaa waxa isku dhacay labo kooxood oo ka kala tirsan fallaagadii hore ee Muslimiintu u badnaayeen ee Seleka iyo kuwo ka tirsan dhaqdhaqaaqii ka soo horjeeday ee Anti-Balaka ee masiixiyiinta ah.
Nabad ilaaliyeyaasha qaramada midoobay ayaa sheegay inay kala dhex galeen labada kooxood ee ku dirirayay goobta dilku ka dhacay oo ah magaalada woqooyiga ku taala ee Kaga Bandoro si ay uga hor tagaan in qalalaasuhu sii baaho.
Af-hayeen u hadlay madaxtooyada ayaa sheegay in dagaalyanadii hore Seleka ay dagaalkaa ka dib bilaabeen inay guryaha dadka ay laayeen mid mid u galaan si ay dadka u laayaan.
Waxaa lagu soo warramayaa in ay dad ka qaxeen magaalada.
Jamhuuriyadda Afrikada dhexe waxaa ka socday dagaal diin ku salaysan tan iyo bishii March ee sannadkii 2013, oo ahayd markii fallaagada Saleka ay awoodda kala wareegeen madaxweynihii xukunka laga tuuray Francois Bozize oo masiixi ahaa.