Dad lagu la’yahay Roob ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland

Dad ku sugan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag  ayaa waxaa ay sheegeen in daadad ka dhashay Roob saacadihii la soo dhaafay Magaaladaaslagu la’yahay ilaa laba ruux oo kamid ahaa dadka ku nool degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Dadka ayaa waxaa qaaday daadadka ka dhashay roobka,iyada oo sidoo kale qaar kamid ah Guryaha ku yaalla degmada laasqoray uu roobka burburiyey.

Ganacsade Cawil Saalax Jaamac  oo ka mid ah dadka ku nool laasqoray ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobabkaasi, ay gebi ahaanba burburiyeen, dhammaan waddooyinkii geli jiray degmada Laasqoray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in roobka uu go’doon geliyey degmada oo saacadihii la soo dhaafay aan wax gaadiid ah soo gelin magaalada,isla markaana maciishada ay sare u kacday.

Deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka da’ayey roob daadad watay,kuwaas oo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed.