Dad cudurka Shubanka ugu geeriyooday dhulka dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Cudurka Shuban biyoodka ama Daacuunka uu ka dilaacay magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, sida uu sheegay Xafiiska Caafimaadka ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Xafiiska Caafimaadku waxa kale oo uu sheegay in hadda ka hor Cudurkan Daacuunka ah lagu arkay degaannada deriska la ah dowlad degaanka Soomaalida, balse hadda la xaqiijiyay in magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda uu cudurkani ka dillaacay.

Ma sheegin xafiisku tirada dadka uu cudurkani ku dhacay ama lagu arkay, balse xafiiska ayaa farriimo wacyigalin ah dadka ugu gudbiyay dhanka Warbaahinta taas oo ah in dadku ay ka feejignaadaan cudurkan isla markaana ay si dhow ula socdaan farriimaha gaagaaban ee uu markasta bixinayo xafiisku.

Wararka la helay ayaa sheegaya in ilaa laba Ruux ay cudurka ugu geeriyoodeen Magaalada Jigjiga, sidoo kalena ilaa dhowr qof oo kale ay isbitaallada Magaalada la jiifaan.

Ugu dambayn Xafiiska Caafimaadka ayaa waxa uu farriin u diray shacabka magaalada Jigjiga taas oo ah in qofkii lagu arko  cudurkan lagu soo wargaliyo meelaha ay khusayso iyo xarumaha Caafimaadka, si loola socdo xaaladda caafimaad ee qofka uu cudurkani haleelay.

Cudurkan Shuban biyoodka ama Daacuunka ah oo ah cudur halis ah ayaa horey waxaa loogu arkay gobollada cirifka ah gaar ahaan kuwa xiga dhanka xuduudda degaanku la leeyahay degaanka Oromiya, iyadoo haatana la sheegayo in caasimaddii dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga uu ka dilaacay cudurka Daacuunka oo ah cudur faafa oo inta badan loo geeriyoodo.