DAAWO: Waxgaradka Hiiraan oo maanta kulan yeeshay

Hiiraan-RisaalaFM- Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan maanta waxaa kulan ku yeeshay Waxgaradka, Ugaasyada, Duubabka Dhaqanka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana kulankaas ay kaga soo horjeesteen qaabka loo qeybiyay Baarlamaanka Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gabi ahaanba ay si cad uga soo horjeedaan Shirka ka socda Magaalada ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay shacabka degan Gobolka Hiiraan in aysan wax talo ah ku lahayn shirka ka socda Magaalada Jowhar, isagoo sidoo kale sheegay in ay qalad weyn tahay qaabka hada wax loo qeybiyay oo xaqii Hiiraan la lunsaday.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhowaan Magaalada Beledweyne uu ka furmi doono shir Maamul loogu sameynayo Gobolka Hiiraan.

Ugu Dambeyntii Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii kulankan ka qeyb gashay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ugu baaqay in ay fara gelinta ka daayaan Waxgaradka Labada Gobol.

s2 s3 s4 s5