Daawo:-Wasiir Goodax oo sheegay in la xirayo Iskuulada qaar ee dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu sheegay in  ay diyaariyeen manhajka Waxbarashada fasalka 1aad ilaa fasalka 8aad ee dugsiga hoose iyo dhexe  ee dalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana  iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan

Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo shaaciyay in ay liidato aqoonta Macallimiinta wax ka dhiga Iskuulada dalka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo shaaciyay in ay liidato aqoonta Macallimiinta wax ka dhiga Iskuulada dalka

Posted by Risaala Media Corporation on Wednesday, September 4, 2019