DAAWO SAWIRRADDA: Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xaaf oo u dhoofay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay qayb ka yihiin ku xigeenkiisa xildhibaano Iyo Wasiiro ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan shirka dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Iyo Ahlusuna oo maalinka Beri ah ka furmi doona dalka jabuuti

Waxaa iyana saacada soo socda la filaya in ay garoonka diyaarada muqdisho ayka duulaan wafdi ka socda Maamulka Ahlusuna si ay uga qayb galaan shirka.

Shirkaasi ayaa waxaa ka garwadeen ka noqon doona Urur goboleedka IGAD.