DAAWO SAWIRRADA: Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka socota Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Aqalka Sare oo saakay ku xaadiray xarunta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa codadkooda dhiibanaya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi C/laahi, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.

Cabdi Xaashi C/laahi oo la tartamayay Mustafe Maxamed Qodax, xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland ayaa helay 43, halka Mustaf uu helay 9 cod.

Sidoo kale hada ayaa la guda galay Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, waxaana u tartamaya Musharaxiinta kala ah:-

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Sawirro ay heshay Idaacadda Risaala Halkaan Hoose ka Daawo.

 

1r5r 6r

1c 2c