Daawo Sawirada Wariye Cabdicasiis oo Muqdisho lagu Aasay

Waxaa shalay gelinkii dambe Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaana uu ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeelle.

Allaha u naxariistee Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyeed.

Aaska wariyaha ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan wariyeyaasha kunool magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ehelada Wariyaha ayaa goobta ka sheegay in Cabdicasiis uu ahaa nin firfircoon oo dabeecad furan.

9 8 4 3 2
1