Italy-RisaalaFM- Ciidanka Ilaalada xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa Badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga waxa ay ka soo badbaaiyeen Tahriibayaal tiradooda gaareyso 4,650.
Ciidanka Ilaalada Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay Badda ka soo saareen Meydad tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 50.
Tahriibayaasha la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in ay kasoo kala jeedeen Dalalka Somalia, Sudan, Masar, Ethiopia, Eritrea, Kamiruun iyo Yemen.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtey in sanadkan dad gaaraya 60,000 oo Qof ay Dooman ku ymaadeen Dalka Talyaaniga.



