Daawo Sawirada: Shirkii Madasha Qaran ee la soo gaba gabeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Todobaadkan ka socday Magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo markii la soo gaba gabeeyay shirkan ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran cidna aan loogu roonaanin cidna aan loogu darnaanin, isagoo intaa ku daray in loogu roonaaday Maslaxada Soomaaliya sida ay suurtagalka ku tahay.

w1 w11 w2 w20 w3 w4 w5 w5 w7 w8 w9