Diwaan Gelinta Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Madxweynaha Soomaaliya ayaa ka bilaabatay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Musharaxiin aad u farabadan ayaa kusii qulqulaya xarunta golaha Shacabka si ay isku diwaan geliyaan.
Musharaxii ugu horeeyay ee Is diwaan geliya ayaa waxaa uu noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed .
Diwaan Gelinta ayaa soconaysa 3 maalin oo kala ah Khamiis, Sabti iyo Axad.



