Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Daawo Sawirada Musharaxii ugu horeeyay ee xilka Madaxweynaha oo la diwaan geliyay

Diwaan Gelinta Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Madxweynaha Soomaaliya ayaa ka bilaabatay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxiin aad u farabadan ayaa kusii qulqulaya xarunta golaha Shacabka si ay isku diwaan geliyaan.

Musharaxii ugu horeeyay ee Is diwaan geliya ayaa waxaa uu noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed .

Diwaan Gelinta ayaa soconaysa 3 maalin oo kala ah Khamiis, Sabti iyo Axad.

 Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo uu gudoomiye u yahay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya aysan dhaafin doonin Waqtigii loo qorsheeyay oo ah in ay dhacdo Maalin Arbaco ah 8 Bisha February 2017.
 
Exit mobile version