Daawo Sawirada Munaasabada 26-ka June oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 56 guurada ka soo wareegatay markii calanka Soomaaliyeed laga taagay gobolada waqooyiga ee hada la magacbaxay Somaliland ayna xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ,xilidhibaano iyo sidoo kale dad u soo joogay xiligii xoriyadda.

Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo sidoo kale wasiirka wasaarada warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir waxayna si kooban ugu hadleen muhiimada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay xuska 56 guuradii kasoo wareegtay markii calanka laga taagay gobolada waqooyi Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meelo walba oo ay joogaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahaynayay in bulshada Soomaaliyeed ay la yimaadaan garowshiyo ku aadan dhibta walaalaha waqooyi gaaray, xoogana la saaro ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

2 1 17 16 15 14 13 12 11 9 8 7 6 5 4 3