Daawo Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa  gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,.

Booqashada ay wafdiga Madaxweynaha ku tageen  magaalada Jigjiga ayaa ah tii ugu horeysay ,waxaana la filayaa in ay halkaasi wadahadal kula yeeshaan madaxda dowlad deegaankaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u tagay magaalada  Jigjiga, sidoo kale waxaa tagay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jira.

23 32 42 51 62 17