Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa Idaacdda Risaala u xaqiijiyay ilaa hada in ay wadaan gurmadka ku aadan sidii loo daad gureyn lahaa dad ay ku soo duntay Kaawo laga qodayay Degmada Kaaraan.
Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyayay Labo ruux in ay ku geeryoodeen kaawadaasi, sidoo kalena uu socdo gurmadka, sidii loo soo bad baadin lahaa dadkaasi.
Qaar ka mid ah dadka Kaawadan qoda oo aan la hadalnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in iyada oo lagu guda jiro shaqada qodista Kaawada, in ay soo duntay kaawo weyn.
Kaawadan oo carada laga qodo dhowr mar oo hore ayay sidan oo kale u soo duntay, waxaana waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay dad shacab ah.





