Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta si rasmi ah uga furantay dhagesiga Dacwada Badda Soomaaliya ee u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo Kenya.
Dhageysig Dacwaddan oo socon doonto muddo afar maalmood ah, waxay Maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay Dowladda Kenya ka qabto dacwadda.
Warku wuxuu intaa ku daray in Berrito ay Maxkamddu dhageysan doonto waxa ay Soomaaliya ka qabto iyo cadeymaha ay horgeynayso Maxkamadda Hague ee la xiriirta arrimaha muranka Badda Soomaaliya.



