DAAWO:-Sababta Ahlusunna looga joojiyey Xaflada?

Maanta Ciidamo ka tirsan NISA ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay joojyeen Munaasabad Xubno ka tirsan Ahlusunna ku qaban lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb taas oo lagu taageerayey 20 Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyey Xildhibaabannada Galmuduig.

Xildhibaan Shaacir Sheegow oo kamid ah Xildhibaannada Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas,isla markaana Hay’adaha Amniga ay caburin ku haayaan Ahlusunna.