Daawo:-Muxuu Muuse Biixi ka yiri dhaqaatiirta ay heeganka geliyeen?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo mareeyaha hay’adda Duulista iyo madaarrada, ayaa kormeeray dhallinyaro ku takhasustay caafimaadka oo madaarka heegan ugu jira sidii ay xannuunka CORONAVIRUS uga hubin lahaayeen qof kasta oo kasoo dega madaarka.

Hoos Ka Daawo hadalka Madaxweynaha Soomaaliland.