Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir gudomiyey Shirka golaha wasiiradda ee Maamulka puntland.
Shirka golaha wasiiradda ee Puntland ayaa waxaa manta lagaga arinsaday ansixinta miisaaniyada 2017 ee Puntland, ansixinta xeerka ilaalinta iyo maaraynta degaanka ee Puntland iyo sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkiisii u ku tegey wadamada Asia iyo Africa wax yaabihii uga soo qabsoomay.
Ugu horayn madaxweynaha puntland ayaa ka warbixiyay safarkii u ku tegey wadamada Shiinaha, Itoobiya iyo kenaya, waxaana uu shegay in uu ahaa mid muhiim u ahaa Puntland iyo shacab keeda, islamarkaana ay ka gareen madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayey guulo waawayn oo waxtar u ah horumarka Puntland.
Shirka golaha wasiirada Puntland ee uu shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ansixiyey miisaaniyada 2017 ee Puntland, sidoo kale waxaa xogo ku saabsan miisaaniyadii hor ee sanadkan 2016 laga dhegaystey Mas’uuliyiinta wasaarada maaliyada ee Puntland oo qayb ka ahaa shirka.
Dhinaca kale shirka ayaa waxaa lagu ansixyey xeerka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka ee Puntland, oo wax badan ka bedeli doona Degaanada Puntland, islamarkaana muhiim u ah ilaalinta iyo maaraynta wax yeelada loo geysto degaanka.
Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey golaha wasiirada iyo hawaldeenada masuulka ka ah miisaaniyada 2017 ee Puntland iyo xeerka la ansixiyey ee ilaalinta iyo maaraynta degaanka Puntland in la hirgeliyo, loona dhaqan geliyo sidii loo asteeyey.



