Daawo: Galmudug oo soo bandhigtay Qalab ciidan oo loo waday Shabaab

Gaalkacyo-RisaalaFM- Ciidamada amaanka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay qalab ciidan oo sida la sheegay ku soo jeeday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay maamulaan  Shabaabka.

Qalabka oo ka kooban dareys iyo agab kale, islamarkaana saarnaa Gaari nuuca xamuulka ah ayaa xalay laga qabtay bar koontorol oo ku taala duleedka koonfureed ee Gaalkakcyo.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Nabab sugidda iyo kuwa Booliska oo wada jira ay gacanta ku dhigeen Saanadan ciidan oo ku socotay Al-shbaaab, islamarkaana ay xireen dadkii waday qalabkan.

Gadar ayaa tilmaamay in qalabkan ay Shabaabku doonayeen “in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” hasa ahaatee xoga badan oo ciidankooda ay ka heleen shacabka lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo.
G3 G4 G2