DAAWO:-Doorashada Guddoomiye kuxigeennada Baarlamaanka Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada guddoomiye kuxigeenada 1aad & labaad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana ku sugan 89 Xildhibaan ee Maamulka Galmudug.

4 Musharax ayaa u kala tartamaya xilalka Guddoomiye kuxigeenanda 1aad iyo 2aad ee baarlamaanka Galmudug,kuwaas oo kala ah,Guddoomiye kuxigeenka 1aad Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faadumo Cabdi Cali.