Cudurka Coronavirus oo ku laba kacleeyay degaannada Somaliland

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa faah faahin guud ka bixisay Cudurka coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay kusoo laba kacleeyay degaannada Soomaaliland, isla markaana ay dad u dhinteen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdillaahi ayaa sheegay in maalmahaan  uu kordhay kiisaska COVID-19 ee degaannada Soomaaliland, sidoo kalena uu sababay dhimasho.

Waxaa uu sheegay in Bulshada ku nool degaannada Soomaaliland looga baahan yahay inay ka feejignaadaan cudurka, isla markaana ay qaataan talloyinka Caafimaadka ee dhaqaatiirta.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdillaahi waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhawaan gobolada Soomaaliland loo dirayo dhaqaatiir howlo Caafimaad ka fulinaya.

Degaannada Soomaalilnad ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha kamid ah dalka Soomaaliya ee sida weyn uu u saameeyay Cudurka Coronavirs, lagana helay kiisas farabadan.