Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa si toos u weeraray xidiga Barcelona Gerard Pique kaas oo uu sheegay inuu fiirsado sawiradiisa quruxda badan markii uu ku guuleystay abaalmarinta UEFA Best Player.
Daafaca Barcelona Pique ayaa xili hore oo xalay aheyd waxaa uu weerr ku qaaday kooxdda Real Madrid isagoo sheegay iney Group jilacsan ka galeen isku aadkii Champions League.
CR7 ayaa la su’aalay inuu u jawaabayo Pique oo dacaayad raqiis ah u jeediyay kooxdiisa ,kadib markii ay soo dhamaatay xafladii xalay ka dhacday magaaladda Monaco.
“Hagaag,ma rabo inaan u jawaabo ayuu u sheegay El Larguero radio show.
“Waxaan dhihi karaa Pique waad fiirsan kartaa sawirada ku jira Twitter-keyga oo ah kuwo qurux badan.
Arintaan ayaa soo celin doonta dagaaladii labada koox ee dhinaca warbaahinta bulshada.


