Claudio Ranieri oo seegi doona daawashada kulanka Chelsea ay la ciyaareyso Tottenham

Claudio Ranieri ayaa isku diyaarinaya inuu ku guuleysto horyaalka Ingiriiska, markiisii ugu horeysay kulanka Chelsea ay wajahayaan kooxda Tottenham.

Leicester ayaa loo caleemo saari doonaa kooxda heysata horyaalka hadii Spurs ay ku guuldareysato inay ka badiso caawa kooxda Chelsea.

Laakiin tababaraha Dawacooyinku ayaa usafri doona kulanka natiijadiisa ku xiran tahay Italy si uu kaga qeyb galo xaflada dhalshada 96-aad ee hoyadiis.

Ka dib markii ay shalay 1-1 la galeen Manchester United waxa uu yiri  “Haatan waxaan usocdaa Italy, Waxaan doonayaa inaan arko hooyaday, oo 96 jirka ah.

“Waxaan jeclahay in aan u tago oo aan iyada dhalashadeeda kala qeyb qaato.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan daawado ciyaarta, lakiin waan ogaan doonaa natiijada markasta.”