Ciyaaryahankii labaad oo 3 maalmood gudahood u dhintay dhibaato wadnaha ah

Xiddiga kubada cagta Brazil ka ciyaara ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay dhibaato dhanka wadnaha looga shakisan yahay – waa ciyaaryahankii labaad ee seddex maalmood agudahood xanuunkaas u geeriyooda.

Bernardo Ribeiro, oo 26 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku dhacay dhulka kulankii kooxdiisa reer Brazil ee Friburguense ciyaareysay.

habeenkii Jimcaha, xiddigii heerka caalami ee dalka Cameroon Patrick Ekeng ayaa ku geeriyooday intii ay socotay ciyaartii  Dinamo Bucharest.

Ribeiro ayaa lagu soo waramayaa inuu geeriyooday intii ambulance isbitaalka kusii waday sababata labada dhimasho ee sadexda maalmood gudahood ayaana lagu sheegay in uu yahay xanuun wadnaha ah.