Ciyaaryahan Afar Sanno Ka Hor Shil Gaari Inuu Ku Dhintay La Shaaciyay Oo Isagoo Nool La Helay

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee kasoo baxa waddanka Jarmalak ee Bild, Kamba ayaa laga helay aagga Ruhr ee waddanka Jarmalka oo uu kusoo laabtay afar sannadood kaddib markii dhimashadiisa lasoo sheegay.

Kiiska ayay hadda gacanta ku hayaan xeer ilaalinta iyo baadheyaasha Jarmalku, waxaana arrintan xaqiijiyey xeer ilaaliyaha dalka, Anette Milk oo tibaaxay inay baadhis ku wadaan xaaskii hore ee Kamba oo la sheegay inay ka mid ahayd lix qof oo la siiyey lacagta caymiska nafta ee laacibkan.

Milk oo la hadlay Bild ayaa yidhi: “Eedaysanuhu wuxuu ku eedaysan yahay musuq. Laakiin way dafirsan tahay xaqiiqada, baadhitaannaduna way socdaan.”

Gabadhan xaaska hore u ahayd Kamba ayaa la sheegay inay shahaadada dhimashada saygeeda kasoo samaysay waddanka Congo, taas oo lagu shaaciyey waqitigii uu geeriyooday iyo aaskiisiiba, si ay gacanta ugu dhigto lacagta caymiska uu ku jiray laacibkani, waxaanay ku lifaaqday macluumaad kale oo been abuur ah oo arrintan ay ku fushatay.

Gabadhan oo magaceeda la qariyey, da’deedana lagu sheegay 39 sannadood ayaa waxay haysataa wiil toban jir ah, waxayna beenisay eedaha loo jeediyey

Laacibkan geerida lagu qoray ayaa dunida ka yaabiyey March 2018 markii uu iska xaadiriyey safaaradda waddanka Jarmalku ku leeyahay Congo si uu ugu wargeliyo in warka laga baahiyey ee geeridiisu uu yahay been abuur aanay waxba ka jirin.

Xeer ilaaliye Milk oo ka hadlay sidii ay ku timid dhimashada Kamba lagaga been sheegay ayaa yidhi: “Wuxuu caddeeyey inuu ka tegay asxaabtiisa waqti habeennimo ah oo uu safray gudaha waddanka Congo bishii January 2016, iyadoo sidoo kale aanay gaadhiga u saarnayn waraaqo, lacag iyo telefoon lagu garan karayay markii uu shilka galay ama lagu aqoonsan lahaa.

Hadda waxa uu ku nool yahay waddanka Jarmalka oo uu ku laabtay, gaar ahaan Gelsenkirchen oo uu ka joogo guri u dhow midkii uu hore u degganaa ee ay xaaskiisa hore iyo cunuggiisu ku jiraan.

Sannadkii 2005 ayuu ciyaartoygani boggaga hore ee warbaahinta Jarmalka iyo caalamkaba qabsaday markii dalkaas laga masaafuriyey waalidiintii oo lagu celiyey Congo, laakiin isaga ayaa ka badbaaday in la celiyo iyadoo ay Schalke u noqotay shimbir oo ay siisay qandaraas uu ugu ciyaaro, waxaanay xilligaas isku koox ahaayeen goolhayaha xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer.