Tiradda dadka u dhintay Corona virus ee Soomaaliya oo gaartay 44 qof

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 55  xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 928 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

07 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

> Laga Helay: 55
> Benadir: 41
> Puntland: 13
> Hirshabelle: 1

> Lab: 37
> Dhedig: 18
> Bogsasho: 19
> Dhimasho: 5
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 928
> Bogsashada Guud: 94
> Dhimashada Guud: 44